Internet Store and Ecommerce Solution Provider - Free Web Site - Free Web Space and Site Hosting - Web Hosting - High Speed Internet
Search the Web

http://siisii.7p.com/99-SIFFO OO RAGGU KU JECLAADAAN XAASASKOODA
 
line decor
   0:03 AM
line decor
 
 
 
 

SHEEKO

99-SIFFO OO RAGGU KU JECLAADAAN XAASASKOODA!!

Sifooyinkaan waa kuwo ragga ay jecel yihiin isla markaana ay doonayaan inay haweeneydooda ama gabadha ay nolosha la wadaagayaan ay ku dhaqanto ama ay ku sifeysnaato si meeshaasi ay uga dhalato isla noolasho dhab ah iyo is jacayl. Haddaba waa kuwan sifooyinkii 99-ka ahaa:

1. Inay ILAAHAY ka baqdo si qarsoon iyo si muuqata intaba, iyo inay raacdo amarradii uu Nebigeennu faray Haweenka iyo inay noqoto qof acmaasheedu yihiin kuwo daacadnimo ay ka buuxdo.

2. Inay ilaaliso nafteeda, Awladdeeda iyo Maalkiisa inta uu maqan yahay.

3. Inay farxad gelinayso haddii uu xaggeeda soo jaleeco, ayna yeelato muuqaal jir ahaaneed iyo mid weji ahaaneed (Faraxsan tahay). Mar kastoo ay haweeneydu isku darsato muuqaal qurxooni iyo caraf jir ahaaneed, waxaa marba marka ka dambeysa kordhaysa rabitaanka uu u hayo ninkeeda.

4. Waa inaysan ka bixin guriga iyadoo aan fasax ka haysan seygeeda.

5. Ninku wuxuu jecel yahay inuu arko haweeneydiisa oo u qoslaysa ama dhoolla caddeynaysa mar walba.

6. Naagu waa inay ninkeeda u mahad celisaa, iyadoo ILLAHAYNA kaga mahad celinaysa calafka uu ugu daray isaga, iyo iyadoo ku RABBI mar kale kaga mahad-celinaysa carruurta uu ku manneystay, ayna ogaato in ninkeeda la'aantiis aysan dhali lahayn.

7. Waa inay doorataa waqti iyo meel mu naasab ah markay doonayso inay ninkeeda wax su'aasho ama su'aalato, waana inay mar walba ka gaabsataa inay ninkeeda su'aal ku weydiiso meel aan munaasab ahayn.

8. Waa inay gabadhu lahaataa Akhlaaq wanaagsan.

9. Waa inaysan guriga ka bixin iyadoo u labbisan si jaahilnimo ah (Sida ay u labistaan Gabdha Gaalada ah)

10. Waa inaysan codkeeda kor u qaadin markay ninkeeda la doodayso.

11. Waa inay ku sabartaa nolosha ninkeeda haddii uu faqri yahay, ayna ku kalsoonaataa nolosha ay la nooshahay haddii uu Qani yahay.

12. Waa inay ninka Waalidkiis, Walaalihiis iyo Qaraabadiisaba xiriirisaa.

13. Waa inay ku dadaashaa sidii mar walba ku muujin lahayd wanaagga.

14. Waa inay sheegtaa mar walba Runta oo ay ka fogaataa beenta.

15. Waa intay Carruurta ku tabiyeysaa daacada ILLAAHAY iyo ku dayashada Nebi Muxammed (NNKH), waana inay sidoo kale ku tarbiyeysaa u baari noqoshada waalidka, waana inaysa marnaba ku taageerin hadal uu dhibsanayo Waalidka, gaar ahaan aabbaha, iyo inay ka celiso khaladaadka uu dhibsanayo oo ay awlaaddu ku kacayso.

16. Waa inay ka fogaato carada iyo weji kaduudka.

17. Inaysan dadka taagta daran ku takri falin isla markaana aysan ku jees-jeesin.

18. Waa inay noqotaa qof furfuran oo ka fog Kibirka, faanka iyo isla weynanka.

19. Waa inay indhaheeda laabtaa markii ay ka baxdo guriga (Yacni aysan ragg kale fiirfiin) iyadoo laga baqayo inay fidno dhalato.

20. Waa inay ka saahiddaa dunida, isla markaana ay u jeesataa aakhiro, rajeysaana inay la kulmayso maalin uun RABBI-geeda khalqay.

21. Waa inay rabbigeeda ku kalsoonaataa si guud iyo si gaar ahba, aysanna noqon mid quusata oo ka rajo dhigta baryada ay RABBI bariday.

22. Waa inay ilaalisaa Acmaasha uu ILAAHAY ku faral yeelay.

23. Waa inay garataa in ninkeeda uu yahay sayidkeeda, iyadoo raacaysa kalimaaadka EEBBE.

24. Waa inay ogaataa in xaqa uu ninkeeda ku leedahay uu yahay mid weyn, ayna gartaa in xaqa ay ku leedahay uu sidoo kale weyn yahay.

25. Waa inaysan ku cel-celin khaladaadka, balse raadisaa wixii keenay, si dhaqso lehna ay ku xallisaa.

26. Waa inay noqotaa mid had iyo goor xusta RABBI-ga dunida abuuray, uuna carrabkeedu noqdaa mid Xuska ALLE laasima.

27. Waa inaysan diidin qaab kasta oo uu ninkeeda jecel yahay doonayana inuu ugu tago, marka laga reebo qaybta dambe (Duburka).

28. Waa inay noqotaa mid markay ninkeeda wax weydiisanayso ku weydiisata hadba heerka ay awooddiisa dhaqaale le'eg tahay, aysanna cusleyn oo ay ku raalli noqoto wixii ay ka hesho.

29. Waa inaysa noqon mid Quruxdeeda, dhallinyaronimadeeda, Cilmigeeda iyo Shaqadeeda ay cajabiyaan, waayo dhammaantood waa kuwo baaba'aya.

30. Waa inay tahay mid u nafiisan dhar ahaan iyo jir ahaan (qaybaha kala duwan ee jirka sida, Sanka, Afka, Hoosta IWM).

31. Waa inay tahay mid adeecda amarrada ninkeeda, marka laga reebo hadallo aan munaasab ku ahayn ILAAHAY iyo Rasuulkiisa.

32. Waa inaysan ku manno sheegan haddii ay shay siiyo.

33. Waa inaysan Soomin Soon sunno ah iyadoo aan idan ka haysan ninkeeda.

34. Waa inaysan u ogolaan inuu guriga soo galo ruux aan ahayn kuwa guurkeeda ka xarriman, iyadoo aan idin ka haysan isaga, waayo arrintaasi waxay dhalin kartaa shaki weyn.

35. Waa inaysan ninkeeda ku tilmaamin inuu yahay macsiloow, waayo taasi waxay khatar weyn ku tahay jirtaanka qoyska.

36. Waa inay tahay qof xishood badan.

37. Waa inaysan diidin haddii uu ugu yeero sariirta dusheeda.

38. Waa inaysan ninkeeda weydiisan Furriin, waayo taasi waa ka xaaraan iyada.

39. Waa inay amarrada ninkeeda ka hor marisaa amarro kasta oo jira xataa midka aabbaheed.

40. Waa inaysan dharka isaga bixin ama aysanba dhigin meel aan gurigeeda ahayn.

41. Waa inaysan isku ekeysiin Ragga.

42. Waa inay ninkeeda xusuusisaa haddii uu hilmaamo ducada la aqristo marka la isku galmoonayo.

43. Waa inaysan ka sheekeyn qaabka ay iyada iyo ninkeedu u raaxaystaan ama isugu galmoodaan, iyo sida uu dareenkeedu noqonayo xaaladdaas marka lagu jiro.

44. Waa inaysan ninkeeda dhibin.

45. Waa inay la ciyaarto ninkeeda markii uu doonayo inay la ciyaarto, waayo taasi waxay si weyn u muujinaysaa jacaylka ay isku qabaan ee ku qarsoon gunta qalbiyadooda.

46. Waa inay la qubeysataa ninkeeda marka uu jamaacu dhaco kaddib haddii uu sidaa ka dalbado.

47. Waa inaysan maalkiisa wax ka bixin illaa ay isaga idan ka haysato mooyee.

48. Waa inay ku sabartaa haddii ninkeedu xun yahay (Dabeecadaad ahaan, dhaqan ahaan iyo akhlaaq ahaan), waayo waxay ka helaysaa Ilmo wax ka wanaagsan aan la heli karin.

49. Waa inay cawradeeda ka qarsato illaa ninkeeda mooyee.

50. Waa inay barataa cunnooyinka uu aadka u jecel yahay, waayo wax la cunno waxaa ugu wanaagsan kuwa dhadhankooda aad jeceshahay.

51. Waa inay tahay qof diinta ku sifowday, oo dhowrta xuquuqda ninkeeda, tan Gogosha, tan awlaadda iyo tan maalkiisa, waana inay ku boorrisaa xifdinta Daacaadka ILAAHA.

52. Waa inay ninkeeda dareensiisaa in uu yahay muhiimadda keliya ee ay leedahay, sidoo kalena dareensiisaa inay jeceshahay, Raggu waa kuwo jecel inay naagahooda ka helaan wax walba oo naftooda raali-gelin kara, sida: Cunno Macaan, Jiif Wacan IWM, waa inaysan naagtu ninkeeda dareensiin inuu faqri yahay iyo inuu qani yahay.

53. Waa inay ka fogaato inay ninkeeda u sheegto gafafkiisa iyo meel ka dhacyadiisa, balse waa inay ku dadaashaa inay uga sheekeyso waxyaabihii wanaagsanaa ee ay soo markeen intii ay isla noolaayeen,

54. Waa inay Ixtiraam, qaddarin iyo jacaylba u muujisaa ehelka ninka, soona dhaweysaa haddii uu maqan yahay iyo haddii uu joogba, waana in ay ninkeeda u muujisaa inay aad u jeceshahay ehelkiisa, Maxaa yeelay haddii ay middaasi jirin waxaa marag ma doonto ah in ninka iyo xaaskiisu ay ka dhaxli karaan mashaakillo fara badan, kuwaasoo ugu dambeyn gaarsiiya reerka burbur iyo kala tag.

55. Waa inay ku dadaashaa inay ninkeeda u doorto dharka uu ku labisan lahaa kuwooda ugu wacan, haddii ay arrintaas ku cel-celisana waxay ninka dhaxalsiinaysaa jacalk daran oo uu qaado xaaskiisa.

56. Waa inay horay u sii dhaweysaa markuu ka baxayo guriga kuna tiraah erayo raalli-gelin kara naftiisa, sidoo kalena waa inay illinka (Albaabka) guriga uga hor tagtaa markay muuqiisa u jeeddo, taasina waxay ninka dareensiinaysaa ahmiyadda iyo jacaylka ay xaaskiisu u hayso.

57. Markii uu guriga yimaado waa inay u muujisaa furfuraan, soo dhaweyn, qaddarin iyo daacadnimo, waana inay isku daydaa inay ka qafiifiso daalkii shaqadii uu hayay.

58. Waa inay u muujisaa ninkeeda jacaylkeeda haddii ay ahaan lahayd hadal ama dhaqan iyo dariiq kasta oo u aragto inay ugu muujin karto.

59. Waa inay dareensiisaa ninkeeda inuu yahay qofka ugu dhaw; xitaa Aabbaheed ALLAHA ka dhigee.

60. Waa inay aamustaa marka uu ninkeeda la hadlayo oo ay siisaa fursad uu hadalka uga bogan karo, waa inay waraabisaa (Biyo uu cabbo u keentaa) si ay uga jabiso oonka hadalka, taasina waxay keenaysaa in ninku dareemo in xaaskiisu ay tahay qof muhimad weyn siinaysa isaga.

61. Waa inaysan khaladaadka badin, waayo haddii ay khaladaadka badiso waxaa yaraanaya qiimihii ay ku ag lahayd ninkeeda.

62. Waa inaysan ku amaanin nin kale ninkeeda hortiisa iyo gadaashiisa intaba, waayo taasi waxay keenaysaa inuu mashaakil badan soo dhexgalo labadooda, taasoo dhalin karta in qoysku burburo.

63. Waa inay xifdisaa amaanadiisa, aysanna qiyaamin, waayo waxay taasi ballaqaysaa albaabbada kalsoonida.

64. Waa inaysa ku mashquulin marka uu ninkeeda joogo waxyaabo kale sida: joornaal akhris, Raadiye dhageysi iyo wixii la mid ah, balse ay u muujisaa Seygeeda in qalbi ahaan iyo ruux ahaanba ay ula jirto iyada.

65. Waa inay noqotaa mid hadal yar, oo aysan noqon mid hadal badan, waayo waxaa horay loo yiri: (Haddii hadalku Qalin ahaan lahaa, Aamusnaantuna waxay ahaan lahayd Dahab).

66. Inay waqtiyada ay firaaqada leedahay ku bixisaa Daacada ALLE iyo nolosheeda aduunyo sidii ay u maareyn lahayd. Sidoo kale waa in aysan waqtiga u soo haray ku bixin Waxaa la yiri, iyo waxaan maqlay, Dood aan macno lahayn, Isku dir iyo xan.

67. Waa inaysan ku hamin wax aysan heli karin amaba aan muuqan.

68. Waa inay noqotaa qof qur'aanka kariimka ah inta badan aqrida, iyadoo sidoo kalena aqrinaysa kutubka kale ee diiniga oo nacfiga leh. Waana inay u ahaadaan arrimahaan kuwo nolosheeda qayb ku leh ama ay joogteyso.

69. Waa Inaysan sidii Jaahiliinta isku qurxin oo aysan is carfin markii ay gurigeeda bannaankiisa u socoto.

70. Waa inay noqotaa ruux diinta ILAAHAY u qunta oo ku dhex faafisa walaalaheeda kale ee Mus'limaadka ah (Haweenka). Waana inay diinta Islaamka had iyo goor ku baraarujisaa, Qoyskeeda, Dariskeeda, Qaraabadeeda iyo Mujtamaca intiisa kale.

71. Waa inay xurmeysaa mar walba ra'yiga ninkeeda, taasina waa arrin keenaysa inuu qoyskaasi isku waaro.

72. Waa inay mar walba diyaar u tahay inay ninkeeda sagootiso marka uu guriga ka baxayo, soona dhaweyso marka uu guriga soo galayo.

73. Waa inay ninkeeda siisaa dhammaan xuquuqda uu ILLAAHAY S.W. ugu waajiyay korkeeda, sida: Raalliyonimo, Himo cad oo aan daal iyo caajis lahayn iyo inay u sheegto arrimaha qoyska ee maalintaas iyo intii uu maqnaa oo dhan.

74. Waa inay ka fogaato waxyaabaha aan diinta islaamka ku wanaagsanayn sida: Sixirka, Faalka iyo wixii la mid ah oo ah kuwo diinteeda ka saaraya una horseedaya Adduunyo iyo Aakhiro halaag iyo ba' aan dhammaad lahayn.

75. Waa inay wax walba oo guriga yaalla ku qabataa gacanteeda ayna dhowrtaa, sida Cunnada karinteeda oo kale, oo aysan ku halleyn Jaariyadda ama adeegtada, sidoo kale waa inay raashika ninkeeda ugu geysaa gacanteeda oo aysan u adeejin jaariyadda ama adeegtada. Maxaa yeelay haddii Xaasku arrimaha gurigeeda oo dhan gacanta ka geliso Jaariyadda waxay keenaysaa inuu gurigaas si dhaqso badan ku burburo.

76. Waa inay iska ilaaliso inay ka fogaato Aadaabteeda Islaamiga ah ALLENA ay arrintaas kaga baqdo.

77. Waa inay ninkeeda si dhaqso ah u raalli-geliso haddii uu ka carroodo inta uusan arrinku fogaan; waana inay arrintii uu ka carooday mar dambe aysan ka dhicin.

78. Waa inay wanaajiso macaamilka u dhexeeya iyada iyo ninkeeda, sidoo kalena waa inay wanaajiso macaamilka kala dhexeeya Mujtamaca ay ku dhex nooshahay.

79. Waa inay u noqotaa tusaale wanaagsan hablaha kale ee ay saaxiibbada gaar ah yihiin iyo kuwa ay saaxiibbada guud yihiinba, sidoo kale waa in loo soo qaataa tusaale, aadaabteeda, dhaqankeeda, hadalkeeda, mu'minnimadeeda, caddaalad-deeda iyo ficilladeeda diiniga ah.

80. Waa inay ku dadaasho Xijaabka oo ah shay ay diintu Sharci ka dhigtay, sidoo kalena ay xirataa Xijaabka oo aysa ku kadsoomin dhaqanka xun ee adduunka yaalla maanta.

81. Waa inay noqdaan kuwo fudud, oo aan cuslayn (aysan ninkeeda ku kallifayn) labiskeeda, Waxybaaha ay ninkeeda isugu qurxinayso iyo dahaaradeedaba.

82. Waa inaysan maqal haddallada ay oranayaan kuwa saddexeeyayaasha ah ee soo dhexgala amuuraha qoyskood haddii uu Mashaakil ka dhex dhaco iyada iyo ninkeeda. Waana inay arrintaas si deg-deg ah u xallisaa intii aysan soo dhex gelin, Ehelkood, Qaraabadooda iyo Saaxiibbadooda kaleba.

83. Haddii uu ninkeedu u safro meel kale sabab kasta ha keentee, waa inay u duceysaa, waana inay wax walba ilaalisaa inta uu maqan yahay, sida: Carruurta, Maalka iyo Nafteeda intaba, sidoo kale haddii uu ku soo waco taleefoon ama qalab kale oo is gaarsiin waa inaysan u sheegin wax wel-wel gelin kara qalbigiisa; balse waa inay u sheegtaa wax wanaagsan oo farxad gelin kara qalbigiisa; Waana inay haweeneydu kula hadashaa kalimado keeni kara inuu u soo hilloobo arageeda iyo la joogisteeda intaba. Intaas oo dhan waxa looga gol leeyahayna waa in lagu dhowro degenaasho isla markaana uu la hadalkeeda ka qaado farxad iyo raynrayn.

84. Waa inay ninkeeda uga sheekeysaa amuuraheeda gaar ahaaneed iyo kuweeda guud ahaaneed, waana inay beerataa kalsoonida ninkeeda. Waxaana ugu sii wanaagsan inay amuuraheeda ganacsi kala hadsho haddii ay haweeneydu tahay mid maal leh ama ganacsato ah, Maxaa yeelay arrintaas waxay kordhinaysaa kasoonida ninkeeda iyo ixtiraamka uu u hayo.

85. Waa inay Ilaasiso Shucuurta ninkeeda, sidoo kalena ay waa inay ku samirtaa haddii yiraahdo Qowl aan munaasab ahayn ama ficil xun amaba uu kula dhaqmo dabeecad xun.

86. Waa inay ninkeeda u muujiso jacayl iyo kalgacal dhameystiran; waayo nolosha guurka ayaa ka shidaal qaadata: kalimad wanaagsan, hadal qurxoon, sheekooyin leh diiranaan kalgacal. Noloshana waxaa lagu tilmaama mid aan macaan lahayn haddii uu meesha guur ka maqan yahay.

87. Waa inay kala qaybqaadataa ninkeead fikirka ku saleysan wanaagga guriga ay ku nool yihiin, waana inay dadaal badan ku bixiysaa sidii noloshoodu ay u noqon lahayd mid macaan oo dareen xambaarsan.

88. Waa in haddii uu ninkeeda joogin ama uu safar jiro aysan ragga isugu quruxin si heer sare ah oo muujin karta habsamaanta jirkeeda xittaa waalidkeeda iyo walaaheedba ALLAHA ka dhigee.

89. Haddii uu ninkeeda u keeno hadiyad waa inay ku aqbashaa si qurxoon oo ay uga mahad celiysaa hadiyadda uu u keenay una muujiyaa inay hadiyadaasi tahay mid ay aad ugu baahnayd ayna ku faraxsan tahay u keenistiisa, xittaa haddii ay hadiyaddaasu tahay mid aan agteeda wax qiimo ah ka lahay amaba aanay ahayn waxyaabaha ay jeceshay. Maxaa yeelay farxaddaasi waxay keenaysaa in ninkeedu oo ogaado jacaylka ay u haysto inta uu le'eg yahay. Haddiise aad ku radiso hadiyaddii uu keenay waxay taasi keenaysaa, colleytan, dhagar, xaasidnimo qalbiga gasha oo idin soo kala dhex gasha adiga iyo ninkaaga.

90. Waa inaad isugu muujisaa ninkaaga sida kuugu wacan, sidoo kale waa inaad ninkaaga tustaa quruxda jirkaaga uu leeyahay iyo hab dhismeedkaaga wacan. Maxaa yeelay sida ay haweeney walba ninkeeda isugu muujiso ayuun buu isaguna isugu aaminaa.

91. Waa inay ku dadaasho inay barato dabeecadaha ninkeeda iyo hadba xaalka uu ku sugan yahay sida: Marka uu faraxsan yahay, marka uu murugeysan yahay, marka uu careysan yahay, marka uu qoslayo iyo marka uu ooyayo. Maxaa yeelay intaas oo dhan waxay ku barayaan wax aad u badan oo daris la soo noqda qoyska.

92. Waa inay ninkeeda la talisaa ayna toosisaa, Ninkuna waa inuu qaato ra'yiga haweeneydiisa. Maxaa yeelay waxaan ku dayanayno waa Rasuulkeenii Muxamed NNKH waxa uuna rasuulku ahaa mid qaata ra'yiga haweenkiisa.

93. Waa inay haweeneydu ninkeeda ixtiraamto; sidoo kalena waa inay ninkeeda kala daahin ra'yi uu mudan yahay in loo sheego, waana inaysan kula soo deg-degin ra'yi uusan mudnayn in lagula soo deg-dego.

94. Waa inay ogaato ceebaheeda isla markaana ay hagaajiso, Waa inuu ninku qariyaa ceebaha haweeneydiisa. Cumar Binu Khidaab ALLAHA ka raalli noqdee ayaa waxa uu yiri: “ILAAHAY ha u naxariisto ruuxii daboola ceebahayga”, ceebaha oo la qariyo waxay bishaa qosyka.

95. Waa inay ninkeeda uga beddeshaa ixtiraam iyo qaddarin waxa walba oo uu ka sheeganayo.

96. Waa in shaqsiyaddeeda ay noqotaa mid heer sare ah, oo aysan ku dayan kuwo kale, haddii ay ahaan lahayd xagga hadlka, xagga labiska iyo dhaqanka guud intaba.

97. Waa inay noqotaa mid si wanaagsan ula socota amuuraheeda iyo midda qoyskeeda.

98. Waa inaysan ka bixin xuduudaha sharciga islaamku dhigayo oo ay ninkeeda kula dhaqanto dhaqan wanaagsan, waana inay ku dadaasho sidii ay qoyskeeda ku gaarsiin lahayd farax iyo rayn-rayn aan dhamaad lahayn.

99. Waa inaad ogaato kallimadda wanaagsani waa furiha qalbiga. Ninkeedan waxaa ku siyaadaya farxad iyo jacayl mar walbooy ku tiraahdo kalimad wanaagsan oo qalbiga guntiisa taabanaysa. Gaar ahaan marka uu ninku ogaado inaad hadalkaas wanaagsan u tiri si daacad ah, ogowna hadalka daacadda ah waxa uu qalbiga guntiisa kala soo baxayaa kalgacal iyo daacadda ruuxiga ah ee ninkaaga.

 
 
KA DHAGEYSO BBC AF SOOMAALI

Mohamed abdurahman webmaster